Home Wararka Caalamka Dad Farabadan oo lagu Xasuuqay Galbeed Maxico(Sawiro)

Dad Farabadan oo lagu Xasuuqay Galbeed Maxico(Sawiro)

0

Dabley hubaysan ayaa 20 qof ku dilay dagaal ka dhacay gobolka dhibka ka taagan ee galbeedka Mexico

Dabley hubeysan ayaa 20 qof ku xasuuqay weerar loo malaynayo inay kooxo gangs ah ka geysteen goob ku taal galbeedka Mexico, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in tani ay tahay mid ka mid ah toogasho wadareedyadii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca..

Dilka ayaa ka dhacay magaalada Las Tinajas ee gobolka Michoacan, halkaasoo kooxda awoodda badan ee Jalisco New Generation Cartel (CJNG) ay kula dagaalameen kooxo maxalli ah oo maandooriyaha  kala gudbiya.

Madaxweyne Andres Manuel Lopez Obrador oo shir jaraa’id qabtay ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dhimashada.

Wuxuu ku eedeeyay kooxaha dambiilayaasha ah ee deegaanka inay ka dambeeyaan falka dilka ah, waxaana uu sheegay in baaritaano wadaan

17 ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa rag halka 3 kalena ay ahaayeen dumar, waxaana saraakiisha ay xaqiijiyeen 15 baabuur oo qeyb ka ah baaritaanka, dacwad oogayaasha gobolka Michoacan ayaa bayaan ku sheegay.

Dhammaan dadka la dilay ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo rasaas ah, waxaana ku dhintay kuwii ugu dambeeyay ee isbitaalka loo sii waday, sida ay sheegeen maamulka.

Michoacan ayaa muddo dheer ahayd mid ka mid ah meelaha ugu sharciga xun ee Mexico, bishii hore, Mareykanka ayaa si ku meel gaar ah u joojiyay shixnadaha avocado ee gobolka ka dib markii kormeerayaasha Mareykanka ay heleen hanjabaad. Hakintii ayaa markii dambe la qaaday.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Wasiir uu Horay xilka uga Qaaday caawa Dib u magacaabay
Next articleDowlada Federalka Soomaaliya oo War kasoo saartay xaalada Soomalida ku noola ukrain

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here