Home Wararka Maanta Faahfaahin: Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka dowlada Oo Muqdiso Lagu Dilay

Faahfaahin: Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka dowlada Oo Muqdiso Lagu Dilay

0

Koox hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Cabdi Ibraahim Ciid oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Baanbeyda Soomaaliyeed.

Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyay in marxuumka ay rasaas ku fureen laba nin oo ku hubeysan bastoodo, xilli uu ka soo baxay Masjid uu ku tukaday Salaadii Cishaha, dhaawac soo gaarayna loola carray Isbitaalka Digfeer, halkaasoo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaa daqiiqado ka dib soo gaaray Ciidan Dowladda oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahan u soo batay magaalada Muqdisho, xalay waxaa degmada Kaaraan qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda ee Maamulka degmada Yaaqshiid ee amniga iyo siyaasada.

 

 

Ad
Previous articleDhalinyaro Soomaaliyeed oo Khiyaano laghbSameeyey Darteed Xabsi ugu jiro oo Dowlada codsi usoo Dirsaday
Next articleKoonfurgalbeed oo faahfaahisay Sababta ay Xariirka Ugu Jareen Dowlada Federalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here