Home Wararka Caalamka Weerar toorey loo adeegsaday oo lagu Laayay Ciidamo Ka tirsan Booliska London...

Weerar toorey loo adeegsaday oo lagu Laayay Ciidamo Ka tirsan Booliska London (Sawirro)

0

Laba askari oo booliis ah, ayaa loola cararay isbitaal, kadib markii lagu tooriyeeyay bartamaha magaalada London, booliska magaalada ayaa sidaasi sheegay.

Tooriyeynta ayaa waxay ka dhacday meel u dhow fagaaraha Leicester, Dhaawacyada maaha kuwo nafta booliiska halis gelin kara.

Nin ayaa la qabtay, isagoo loogga shakisan yahay inuu jirkiisa dhaawac weyn u geystay, iyo inuu weeraray shaqaale gurmad ah.

Duqa magaalada London, Sadiq Khan, ayaa weerarka ku tilmaamay mid aad loogga naxo, iyadoo ku soo beegmay waqti muhiim ah, oo ay UK u taallo hawlo muhiim ah.

Mr Khan ayaa intaa ku daray in saraakiishu aysan qabin dhaawacyo halis gelinaya noloshooda. Dembi baarayaasha ayaa bilaabay baaritaan laakiin dhacdada loolama dhaqmin mid argagaxiso la xiriirta

 

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Rag Ka Tirsan Alshabaab oo Lagu Qabtay Degaanka Cadakibor
Next articleLeylo Cabdi Maxamed oo Sabab yaab leh isug Dishay Hargaysa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here