Home Wararka caalamka Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Gudaha Kenya.

Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Gudaha Kenya.

0

Shilkaan gaari oo sababay khasaaro kala duwan ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeeysa Magaalooyinka Nairobi oo ah Caasimadda dalka Kenya iyo Magalada Gaarisa.

Shilka ayaa yimid,kadib markii uu rogmaday Gaari Bas ah oo ka yimid Magaalada Gaarisa inta u dhaxeysa Nairobi Gaarisa,waxaana shilkaasi ku dhaawacmay ilaa iyo dhowr ruux oo baska saarnaa.

Dad ku sugan tuulada shilka uu ka dhacay ayaa u gurmaday dadka ku waxyeloobay Shilkaas,iyaga oo geeyey Isbitaalka Magalada Naorobi si loogu dabiibo.

Majirto khasaaro dhimasho ah oo ka dhashay shilkaas,dadkii ku dhaawacmay waa loo gurmaday oo waa la qaaday,balse majirto dhimasho ka dhalatay marka laga reebo dhaawaca iyo burburka Gaariga ayuu yiri”Qof kamid ah dadka rakaabka.

Wadada xiriirisa  Magaalooyinka Nairobi oo ah Caasimadda dalka Kenya iyo Magalada Gaarisa ayaa waxaa kusoo lab laabtay shilalka gaari ee geysta khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac,waxaana saraakiisha Booliska Kenya ay sheegeen inay baarayaan sababaha soo cel celiya Shilalka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here