Home galmudug Muqdisho oo lagu dilay Jeneraal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Muqdisho oo lagu dilay Jeneraal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

0

Warar na soo gaaray goor dhow ayaa sheegaya in Jeneraal ka tirsanaa ciidanka dowlada lagu dilay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Jen. Yuusuf Cali Khasaaye (Yuusuf Cagey) oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa la tilmaamay in lagu dilay meel ku dhow hoygiisa oo ku yaalla agagaarka Ex-Warshadii caanaha ee degmada Hodan.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya dilka Jeneraalka, kuwaasoo qaarkood sheegayaan in dilkiisa uu ka dambeeyey sarkaal kale oo ay murmeen.

Ciidanka Booliska dowlada Somalia ayaa gaaray goobta, iyagoo halkaas ka wada baaritaanom la soco wixii ka soo kordha ee warar ah..

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here