Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Xasan Sheekh oo war ka soo saaray...

WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Xasan Sheekh oo war ka soo saaray bilashada Ramadaan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, isagoona u rajeeyay iney nabad iyo caafimaad ku soomaan.

Madaxweynaha ayaa umadda Soomaaliyeed ku baraarujiyey inay ka faa’iideystaan fursadaan oo si fiican ay u cibaadeystaan, “Bishaan Ramadaan waa fursad sanadkiiba halmar nasoo marta,” ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay is cafiyaan, “Walaalkaaga ay wax kaasoo gaareen iska cafi, cid kasta oo wax kaa tirsatana cafis weydiiso,” ayuu madaxweynuhu kula dardaarmay umadiisa.

Madaxweynaha ayaa codsaday in la gargaaro dadka Soomaaliyeed ee aan waxaba heysan, kuwaas oo macquul ay tahay in afurka ay waayaan, isagoo xusuusiyey inta wax heysata inay gacantoodu gaarto inta liidata.

“Wax siiya inta aan heysan, si Ilaahey noogu wada gargaaro, aan u naxariisano dadkeena danyarta ah oo aan ku kaalmeyno wixii aan awoodno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa caawa dhalatay waxaana laga arkay gobollada Soomaaliya qaar, sida Gedo iyo Mudug, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dadka arkay bisha.

Bishii dhamaatay ee Shacbaan ayaa maanta la buuxiyey 30-keeda, waxaana la isku raacsanaa in Khamiista berri ay tahay maalinta 1-aad ee Ramadaan.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo dowladaha Islaamka ugu weyn ayaa shalay ku dhawaaqday in Khamiista la soomayo, maadaama Arbacadii maanta la buuxiyey 30-ka Shacbaan, kadib markii shalay la arki waayey bilashada bisha Ramadaan.

Ad
Previous articleMesut Ozil oo ciyaaraha ka fariistay
Next articleDowladda Soomaaliya maxay ka tiri taliye hore ee Danab oo Laascaanood ku dhintay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here