Home Wararka Somaliya Galmudug Masaajida Magaalada Gaalkacyo oo lagu Soo Rogay Awaamiir Culus kadib Dilal Badan...

Masaajida Magaalada Gaalkacyo oo lagu Soo Rogay Awaamiir Culus kadib Dilal Badan oo La dhacay Halkaas

0

Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa awaamiir cusub kusoo rogay masaajidda magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo la xiriira sugida amniga magaalada.

Awaamiirta kasoo baxday maamulka gobolka Mudug ayaa lagu faray masaajidda Gaalkacyo in muddo toddobaad gudihiisa lagu xiro kaamirooyinka wax duuba, islamarkaana masaajidda loo sameeyo waardiye khaas ah.

“Kadib markay soo noq-noqdeen dilalka qorshaysan iyo kooxaha argagixisada ee lagu beegsanayo hal-doorka magaalada, laguna laynayo goobaha lagu cibaadeysto ee masaajidyadu ugu horeeyaan, sidaas darteed waxaa la farayaa dhamaan masaajidda degmada Gaalkacyo inay fuliyaan qodobadaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maamulka ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan masaajida Gaalkacyo lagu xiro layr if-waaweyn laba maalmood gudahood, ayada oo la faray in khudbada jimcaha looga hadlo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab.

Awaamiirta kasoo baxday maamulka gobolka Mudug ayaa waxa kale oo qeyb ka ah in masuuliyiinta masaajidda ay awdaan luuqyada u dhow masaajid kasta, ayna ciidamada amaanka gacan ka siiyaan xaqiijinta amniga.

“Madaxda xafiisyada ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto waxaa la farayaa inay masaajidda ku daba-galaan fulinta qoddobadaan,” ayaa lagu yiri warqada kasoo baxday maamulka gobolka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye Faysal Shiikh Cali Jifo-jabsade.

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, kuwaasi oo loo geysto haldoorka, ayada oo ugu dambeysay dil habeen hore ay koox hubeysan u geysteen Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) oo kamid ahaa Nabadoonada caanka ah ee gobolka Mudug.

Nabadoonka ayaa waxay kooxda hubeysan toogteen xilli uu kasoo baxay Masjidka Ramadaan ee magaalada Gaalkacyo, oo uu kusoo tukaday Salaaddii Maqrib.
Ad
Previous articleMucaarad Puntland oo ka hor yimid wareegto uu soo saaray Saciid Cabdullah Deni
Next articleXasan Shiikh oo Gaaray Dalka Eriteeriya Xili Wali Ciidamo Soomaali ah Dalkaas ku maqanyihiin(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here