Home Wararka Maanta Alshabaab oo Hiiraan ku gubay 8 gaari Kuna dilay in ka badan...

Alshabaab oo Hiiraan ku gubay 8 gaari Kuna dilay in ka badan 20 ruux

0

Wararka ka imanaya deegaanka Afar-Irdood oo Hoosyimaada magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in deegaankaasi uu ka dhacay dil wadareed loo Geestay dad shacab ah.

Dhacdadan oo xalay dhacday ayaa timid kaddib markii Alshabaab aay gubeen 8-gaari oo dad rakaab ah saarnaayeen.

Warka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale Alshabaab aay goob qura isugu geeyeen dhammaan dadkii shacabka ahaa ee gaadiidkaasi saarnaa kadibna aay dileen dadkii rakaabka ahaa ee gaadiidka aay gubeen saarnaa.

Dadka shacabka ah ee dil wadareedka Alshabaab u geesteen ayaa isaga kala gooshayay degmooyinka Maxaas iyo Beledweyne.

Weli si rasmi ah looma oga wadarta guud ee dadkaasi la xasuuqay, balse warar madax bannaanka ayaa ku warramaya in dhimasha aay kor u dhaafeeyso 30-ruux.

Maamulka Hirshabelle iyo saraakiisha amniga ayaan weli ka hadlin xasuuqa Alshabaab u geesteen dadka shacabka ah.

Ad
Previous articleBeelo Dhawaan Dagaal Qaraar Ku dhexmaray Galmudug oo Heshiis Gaaray(Sawiro)
Next articleMaxaad ka taqaanaa qareenka Soomaaliga ah ee wacdarada ka dhigay maxkamadda ugu sarreyso Kenya?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here