Home Wararka Maanta Dowladda Kenya oo raali gelin siisay dowladda federaalka Soomaaliya kadib arin Xasaasi...

Dowladda Kenya oo raali gelin siisay dowladda federaalka Soomaaliya kadib arin Xasaasi ah oo dhacday

0

Dowladda Kenya ayaa raali gelin siisay dowladda federaalka Soomaaliya, kadib qoraal xasaasiyad abuuray oo baraha bulshada, gaar ahaan Twitterka uu ku baahiyey Senator ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya.

Senatorka ayaa qoraalkaas uga hadlay kulan uu Nairobi kula yeeshay saraakiil ka socotay Somaliland, isagoo sheegay inay ka wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa duulimaadyo toos ah oo Hargeysa to Nairobi ah.

Xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa arrintaan ka soo saaray qoraal raali gelin ah, isagoo cadeeyey in Kenya aqoonsan tahay midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa cadeeyey in dowladda Kenya ay Somaliland u aqoonsan tahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku raali geliyey dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya ay la jaanqaadeyso Midowga Afrika oo aqoonsan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya wuxuu sharaxaad ka bixiyey xafiiska ay Somaliland ku leedahay Nairobi, kaas oo sida uu sheegay ka shaqeeya arrimo ganacsi oo Kenya aysan u aqoonsaneyn safaarad.

Ad
Previous articleWiilkeyga waxaan kala baqayay ammaan-darrada Muqdisho, balse halkan ayuu ku dhintay
Next articleDeni oo Qaatay go’aan xasaasi ah kana laabtay go’aankiisii doorashada ee sida weyn loo diidanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here