Home Wararka Somaliya Golaha Wasiirrada Somaliya oo ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2022

Golaha Wasiirrada Somaliya oo ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2022

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada oo ku saabsanaa xaaladda guud ee dalka, ansixinta miisaaniyadda dowladda 2022 iyo Guddiga fulinta wareegtadii Madaxweynaha ee ku saabsanayd ilaalinta dhulka danta-guud.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Aadan Maxamuud loo magacaabo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka. Iyagoo kula dardaarmay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha in uu dardar geliyo shaqada loo igmaday, waxa ayna uga mahad-celiyeen Agaasimihii Hore ee Hay’adda Mudane Maxamed Aadan Koofi shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay.

Miisaaniyadda dowladda ayaa ah 669 Million oo doollar ayay meel mariyeen Xukuumadda taaso oo ka kooban Mushaarka Shaqaalaha, Caafimaadka iyo mashaariicda horumarinta.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo bogaadiyey kororka iyo ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2022-ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay.

Ad
Previous articleSawiro: Xaafada Ka Tirsan Gaalkacyo oo laga sameeyay Hawlgalo kala Duwan
Next articleXil ka qaadis lagu sameeyay Agaasimihii Hey’adda Socdaalka iyadoo Mid cusub la magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here