Home Wararka Caalamka Wadan ka Tirsan Yurub oo maxkamadda ICJ loo soo taagey taageerada Israa’iil

Wadan ka Tirsan Yurub oo maxkamadda ICJ loo soo taagey taageerada Israa’iil

0

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa maanta u fariisaneysa dhegeysiga dacwad ka dhan ah Jarmalka, taas oo la xiriirta taageerada u la garab-istaagey Israa’iil.

Dacwaddan oo uu soo gudbiyey dalka Nicaragua ee ku yaal Bartamaha Ameerika, ayaa Jarmalka u haysata in uu meel uga dhacay Axdiga Xasuuqa, ka dib markii dalkaasi hub u diray Isra’il, islamarkaana uu taageeradii dhaqaale ka jaray hay’adda QM ee u xilsaaran kaalmada Falastiiniyiinta ee UNRWA. Jarmalka wuu dafiray eedaha loo jeediyey.

Gal dacweedka ka furan maxkamadda ICJ ee fahigeedu yahay Hague, ayaa kaabeysa mid kale oo ay Koonfur Afrika soo oogtey, taas oo Isra’il u ku eedeeyey in ay xasuuq ka geysatay Qasa, balse eeddaas Israa’iil ay si kulul u beenisey.

Ad
Previous articleMowliid Maxamed Jaamac oo Lagu Fuliyay Dil Toogasha ah
Next articleDiyaarad Waday Dad ay ka keentay Gobolada Soomaaliya oo Shil ku gashay garoonka Adan cade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here