Home Wararka Maanta Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalka dib ugu Soo laabtay

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalka dib ugu Soo laabtay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo maalmood ah ku tagay dalka aan dariska nahay ee Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo dhiggiisa Kenya oo yeeshay wadahadallo guul ku soo dhammaaday ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, fududeynta dal ku-galka, dhaqdhaqaaqa badeecadaha, kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo diirradda saaraya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga uu dalkeennu la leeyahay dalalka Gobolka ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Soomaali heshiis la ah dariskeeda iyo danaha isku dhafan ay wadaagan waddamada Gobolka, gaar ahaan dhinacyada adkeynta xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta.

Ad
Previous articleSoomaaliya oo Dalbatay in laga qaado Xayiraada Dhinaca Hubka
Next articleMaxay tahay arrinta ay Ilhaan Cumar ku haysato Joe Biden?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here