Home Wararka Somaliya Jubbaland Madaxweyne Axmed Madoobe oo Gaaray Ceelwaaq goob joogna u ah Doorashada Ceelwaaq

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Gaaray Ceelwaaq goob joogna u ah Doorashada Ceelwaaq

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo halkaas oo ay ka socoto doorashada 16 ka kursi ee laga soo doorto gobolka Gedo, isaga oo gaaray goobta ay doorashadu ka socoto.

War lagu daabacay bogga madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in uu Axmed Madoobe goobjoog ka ahaa mid ka mid ah kuraastii baarlamaanka ee maanta lagu doortay Ceelwaaq.

Isla maanta ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa lagu sheegay in doorashooyinka ka socda Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuw baal marsan habraacii doorashada ee lagu heshiiyay.

Ad
Previous articleFarmaajo oo Doorashada Ceelwaaq Ku Tilmaamay Sharci Daro
Next article8 Xildhibaàn oo Maantay Lagu Doortay Ceelwaaq(Akhriso Magacyadooda)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here