Home Wararka Somaliya Madaxtooyada oo War kasoo saartay kulankii Madaxweyne Farmaajo & Beesha Caalamka

Madaxtooyada oo War kasoo saartay kulankii Madaxweyne Farmaajo & Beesha Caalamka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladda qabsoomidda doorasho daahfuran, iyada oo la raacayo Heshiiskii 17-kii sibteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada SoomaaliyaMadaxweynaha ayaa ka warbixiyey horumarka laga gaaray hannaanka hirgelinta doorashada oo ay ugu horreysay heshiiskii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ansaxinta habraacyada iyo shuruucda hagaya doorashada, diyaarintii Guddiyada Madaxa-bannaan ee qabsoomidda doorashada iyo xaqiijinta miisaaniyadda doorashooyinka.

“Tanaasul badan ayaan ka sameynay hannaanka hirgelinta doorashada, waana arrin mudan dhiirrigelin iyo xoojin, si looga miro dhaliyo hadafka guud ee qabsoomidda doorasho waafaqsan shuruucda dalka, kana tarjumeysa hor –u-socodka dowladnimadeenna.”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukumadda ee ku aaddan xaqiijinta qabsoomidda doorashada, isaga oo adkeeyey in la sii amba-qaadayo qorsheyaasha lagu hirgelinayo doorashada.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday hergelinta hannaanka doorashada,waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dadaallada ay ku bixinayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay cadaadis ku saareysay Madaxda dowladda Soo maaliya & dowlad goboleedyada sidii ay uga heshiin lahaayeen hanaanka doorashooyinka dalka oo uu weli muran ka taagan yahay.

Ad
Previous articleGalmudug iyo Puntland oo go’an kasoo saaray Shir uga socday Magaalada Gaalkacyo
Next articleSawiro: Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo Xili habeen ah kormeeray wadooyinka Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here