Home Wararka Somaliya Puntland Wararkii ugu dambeeyay weeraro culus oo ka dhacay Boosaaso

Wararkii ugu dambeeyay weeraro culus oo ka dhacay Boosaaso

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weeraro culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Weerarka koowaad oo ay fuliyeen dabley hubeysan ayaa ka dhacay suuqa weyn ee magaalada, ayaga oo rasaas ku furay dad ku sugnaa halkaasi.

Goobta waxaa ku dhintay nin ka mid ahaa ganacsatada yar yar ee wax kuu iibiya suuqa uu ka dhacay weerarka, ayaga oo kadib baxsadeen raggii ka dambeeyay falkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanja ayaa goor dambe gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban, balse ma jirto natiijo ay ka gaareen.

Sidoo kale weerarka loobaad oo loo adeegsaday bambaanooyin ayaa lagu qaaday guriga wasiirka amniga Puntland Ibraahin Cartan Xaaji Bakiin, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Saraakiisha amniga oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay inaanay jirin cid wax ku noqotay bambooyinkan lagu tuuray hoyga wasiirka amniga ee maamulka Puntland.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyay weerarka oo iyana baxsaday, kadib markii ay tuureen bambaaooyinka.

Bilihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka dhacayay qaraxyo, kuwaas oo intooda badan ay dhacaan xilliga habeenkii ah, iyadoo lala beegsanayo goobaha ganacsiga, mana jirto illaa hadda cid si toos ah u sheegatay weeraradaasi.
Ad
Previous articleAlshabaab oo Hoobiyayaal ku Garaacay Camaara iyo Dad ku Dhintay
Next articleWax ka ogow isbedallada iyo waxa ku soo kordhay arrimaha Xajka ee Soomaaliya Sanadkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here