Home Wararka Maanta Madaxweynaha Faransiiska oo baaq ka soo saaray dagaalka Gaza isagoo balanqaad sameeyay

Madaxweynaha Faransiiska oo baaq ka soo saaray dagaalka Gaza isagoo balanqaad sameeyay

0

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo furay shirka Gaza ee lagu qabanayo magaalada Paris ayaa hadda ku baaqay in la joojiyo dagaalka Gaza.

Kooxda G7 oo ay ku jirto Faransiiska – ayaa isla shalayto sidaas ka sheegay shir ay wasiirrada arrimaha dibadda ku yeesheen Tokyo.

Macron waxa kale oo uu sheegay in kaalmada Faransiiska ay siiyaan Falastiiniyiinta ay kordhi doonto shan laab sanadka soo socda, halka 20m euros (£17.4m) ee sanadkan la gaarsiin doono 100m euros (£87m) sanadka 2024.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Israa’iil iyo Xamaas ayaa galay bishii labaad, kaas oo qarxay 7-dii bishii Oktoobar.

Dagaalka kadib, waddamada caalamka ayaa ku kala aragti duwanaa dagaalka, kuwa ayaa taageerayay halka kuwa kalena ay cambaareynayeen.

27-kii bishii Oktoobar, golaha ammaanka ee QM ayaa soo bandhigay qaraar lagu joojinayo dagaalka si gargaar loo gaarsiiyo Qasa.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Shaaciyay Tirada dadka Jubaland uga dhintay Daadadka ka dhashay roobabka
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo qaliin ku galay Dalka Imaaraadka(Xog)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here