Home galmudug Iska Hor’imaad Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Oo ka dhacay Deegaanka HILMO Ee...

Iska Hor’imaad Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Oo ka dhacay Deegaanka HILMO Ee Gobolka Mudug…

0

1-Qof Ayaa dhintay Halka Mid kalana Uu Ku dhaawacmay Dagaal Maleeshiyaad Hubeysan Ku dhex maray Miyiga Deegaanka HILMO Koofur Bari Gobolka Mudug Ee Galmudug.

Iska Hor’imaadka Cableyda Ayaa yimid kadib markii Gaari Nuuca loo yaqaan iska Rogada ah oo wateen rag ka ganacsada dhuxusha iyo Qoryaha la shito ay deegaankaas ka bilaabeen Jarista dhirta oo ay ka shidaan dhuxusha iyo Gurashada Qoryaha loo isticmaalo Dabka .

waxaana Arintaasi ka hor yimid dhalinyaro Deegaanka oo Hubeysan Muran dhex maray labada dhinac iyo is faham waa Ayaa sababtay in is-rasaasayn muddo socotay dhex marto labada dhinac waxaana Ku geeriyooday mid ka mid ahaa raggii lagu sheegay dhuxulleyda sidoo kale waxaa Ku dhaawacmay mid ka mid dadka Deegaanka Ee diidanaa oo Muddooyinkaan waday Olole ka dhan ah Xaalufinta Dhirta Deegaanka”Sidaasi waxaa Mudug24 Ushegay dadka Deegaanka Hilmo Ee Gobolka Mudug.

Wararkii Ugu Danbeeyay Ayaa sheegaya in wali ay xiisad ka jirto Deegaanka waxaana Ku baxay saraakiil iyo ciidamo ka Tirsan Boliska Galmudug.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here