Home Wararka Maanta Wasiirka Maaliyada oo qaabilay Wafdi sare oo ka socda Bangiga aduunka

Wasiirka Maaliyada oo qaabilay Wafdi sare oo ka socda Bangiga aduunka

0

Muqdisho, September 4,2022: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Elmi M. Nur ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, Ms #Amena_Arif oo ah Wakiilka dalalka Geeska Afrika ee Hey’adda #IFC (International Finance Cooperation) oo ka mid ah Hey’ad ka mid ah Bangiga Adduunka (World Bank Group) si dhawna ula shaqeeysa Soomaaliya.

Kulanka ayaa loog hadlay horumarinta Maaliyadda iyo Ganacsiga gaarka loo leeyahay oo laf-dhabar u ah horumarinta iyo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale kulan lagu gorfeeyay arrimaha mudnaanta u leh Dowladda gaar ahaan maalgalinta, iyo sare uqaadidda ganacsiyada gaarka loo leeyahay.

Waxaa sidoo kale kulan ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Suleyman Sheekh Cumar iyo masuuliyiinta ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Ad
Previous articleDadka Degaanka Cadakibir oo Hubkooda Qaatay(Sawiro)
Next articleWasiirada Dowlad Gobaleedyada oo Muqdisho uga qeyb-galay shir Muhiim ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here