Home Wararka Maanta Sidee Messi iyo xulka Arjentina loogu soo dhoweeyey dalkooda hooyo? (Sawirro)

Sidee Messi iyo xulka Arjentina loogu soo dhoweeyey dalkooda hooyo? (Sawirro)

0

Diyaaradii siday xulka qaranka Argentina ee ku guulaystay koobka aduunka ayaa gaartay magaalada Buenos Aires subaxnimadii hore ee saaka (December 20), iyadoo wadanku leeyahay fasax qaran oo lagu soo dhawaynayo kabtanka dalkiisa guusha u horseeday  Lionel Messi iyo kooxdiisa

Dadweynihii kumamaanka ahaa ee isugu soo baxay saxafiyiinta iyo mas’uuliyiintii ku sugneyd dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, ayaa qaar badan oo ka mid ah waxay bilaabeen hees aad u weyn markii ay diyaaraddu joogsatay, iyadoo la arkayay duuliyaha oo furayay daaqadda qolka uu ka duulo, si uu u suro calanka Argentina. Farxad baa dhacday oo koox koox ah ayaa ciyaaraysay markii uu Messi diyaaradda ka soo baxay oo roog cas loo dhigay, isagoo kor u haya koobka.

Boqolaal kun oo taageereyaal ah ayaa isugu soo baxaan waddooyinka caasimadda si ay u muujiyaan bandhigga guusha kooxda ka dib markii ay rigooreyaal aad u xiiso badan ay uga adkaadeen Faransiiska Axaddii ciyaar ka dhacday Qatar.

Kooxda ayaa marka hore ku hoyan doonta garoonka tababarka xiriirka kubada cagta Argentina, sida ay sheegtay wakaalada warbaahinta dowlada ee Télam.

Taageerayaal aad u fara badan ayaa isniintii isugu soo baxay goobta tababarka ka hor imaanshaha kooxda, iyadoo sawirro muujinaya taageerayaashu oo ka daadanaya baabuur la dhigay garoonkeeda. Qaar baa bustayaal dulsaaran cawska halka qaar kalena ay ku fadhiisteen kuraas xafladeed.

Xiddigaha waaweyn ee Messi iyo Mbappé ayaa Axadii isaga horyimid garoonka, kulankaas oo ahaa finalkii koobka adduunka ee abid ugu adkaa.

Mbappé ayaa difaacanayay guushii France ee 2018 ee tartankii ka dhacay Russia, halka 35 jirka Messi uu ciyaarayay kulankiisii ugu dambeeyay ee Koobka Adduunka, isagoo raadinayay inuu qaado koobka muddo dheer.

Boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka Buenos Aires kaddib guushii ay ka gaareen Koobka Adduunka, iyagoo daad ku qaaday bartamaha 9 de Julio Avenue. Muuqaallada baraha bulshada ayaa muujinayay taageerayaal aad u faraxsan oo kor u fuulaya tirarka waddooyinka iyagoo lulaya calanka Argentina; kuwo kale oo goobta ku sugnaa ayaa qoob-ka-ciyaar, heeso ku dabaal-degayey.

Guushii ka dhacday Doha waxay ahayd markii saddexaad ee Argentina ay ku guuleysato Koobka Adduunka, waana markii ugu horreysay tan iyo 1986, markaasoo halyeygii Diego Maradona uu xulka ku hoggaamiyey guushii Mexico.

Ad
Previous articleLafta-Gareen Oo Fariin Culus U Diray Siyaasiyiinta Diidan Mudo Kororsigiisa.
Next articleIskuulada oo la Xiray, Basaska qaar oo la joojiyay Qeybo kamid ah Dalka Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here