Home Wararka Maanta Sheekh Shariif iyo Ra’isul Wasaarayaal hore oo kahor yimid Mudo Kordhinta ay...

Sheekh Shariif iyo Ra’isul Wasaarayaal hore oo kahor yimid Mudo Kordhinta ay Damacsantahay Dowlada uu Hogaamiyo Xasan Shiikh

0

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliya xilligan ugu saameynta badan dalka ayaa si weyn uga hor yimid qorshe ay madaxda dowladda federaalka ugu sareysa ku dooanayaan in muddo kordhin ku sameestaan

Qoraal wadajir u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif, Ra’iisul Wasaarayaashi hore, Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Guddoomiyihii hore Baarlmaanka Shariif Xasan iyo C/qaadir Cosoble ayaa waxay ka digeen muddo kordhinta ay wadaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka.

Siywasiyiintan qoraalka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in aanay jirin baahi hadda taagan oo loo qabo in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka oo ujeedadiisa tahay muddo kordhin, waxaana ay ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Sheekh uu arrintan xagal daacinta ah uu dalka iyo dadka ka badbaadiyo, maadaama uu yahay ilaaliyaha iyo Horumariyaha Mabaadiida aas aasiga ah ee Dastuurka.

Ad
Previous articleLaba nin oo oo Gaalkacyo ku Afduubtay Wariye Maraykan ah oo kasoo Muuqday Maxkamad ku Taal Maraykanka
Next article4 Qof oo Mareykan ah oo la afuubtay iyo labo ka mid ah oo Meydadkooda la helay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here