Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay Tirada iska soo Dhiibtay Alshbaab Tan iyo Markii...

Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay Tirada iska soo Dhiibtay Alshbaab Tan iyo Markii Dagaalku bilowday

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 107 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab ayay isi soo dhiibeen labadii bilood ee lssoo dhaafay, sida uu xaqiijiyay agaasimaha xarunta Tubsan ee cilmi-baarista iyo ka hortagga xagjirnimada.

Cabdullahai Maxamed Nuur oo horey usoo nqoday Wasiirka Amniga ayaa sheegay in xubnahan ay badankood iska soo dhiibeen dowlad goboleeyada Galmudug, Jubaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

“Xubnaha isi soo dhiibay waxay iskugu jiraan carruur la askareeyay, oo aad da’doodu u yartahay, dad dhallinyaro ah oo ka mid ahaa jiray dagaalyahannada kooxdaas, haween, iyo horjoogeyaal sarsare oo ka tirsanaa kooxdaas” ayuu ku yiri Cabdullahai Maxamed Nuur muuqaal ay baahisay warbaahinta dowladdu.

Waxa uu sheegay inay mari doonaan habraaca ‘dadka isi soo dhiibeyaasha, ee ka tanaasulay fikrahada xagjirka ah.’

“Waxaan mar kale ugu baaqeynaa xubnaha weli ku jira Al-shabaab inay kasoo baxaan oo ka faa’iideystaan xeerka cafiska ee dowladda ee dadka isku soo dhibaya dowladda” ayuu raaciyay agaasimaha Tubsan National Center

Ad
Previous articleHooyo iyo laba Caruur ah oo Dhashay oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Deegaan ka Tirsan oo Shalay Alshabaab laga Saaray
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Madaxweyne Xaan shiikh oo Galabtay Dib ugu Soo laabtay Dhuusamareeb iyo Ciidamada Galmudug oo Deegaano hor leh kaa saaray Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here