Home wararka Dalka Ganacsade caan ah iyo ciidamo ku dhintay dagaalkii caawa ka dhacay Garoowe.

Ganacsade caan ah iyo ciidamo ku dhintay dagaalkii caawa ka dhacay Garoowe.

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay dagaal caawa ka dhacay xarunta Baarlamanka Puntland ee magaalada Garoowe.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamo amar ka heysta madaxtooyada Puntland ay weerareen dhismaha golaha wakiilada Puntland si ay ula wareegaan, waxaana iska caabin adag kala hor yimid ciidamo ilaalo ka hayey xaruntaas.

Hase ahaatee Ilo ka madax banaan Taliyaha ayaa tilmaamaya in ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ay weerar toos ah ku qaadeen xarunta Baarlamanka si ay ula wareegan, balse ay iska caabin kala kulmeen ciidamo ku sugnaa xaruntaas.

Taliyaha Qaybta ee Gobalka Nugaal ayaa sheegay in hal askari dhinacooda kaga dhintay is rasaaseynta laba kalana dhaawacyo ka soo gaareen.

Dhinaca Ciidamada Baarlamaanka difaacayey ayey wararku sheegayaan inuu iyana ka geeriyooday askari magaciisa lagu sheegay Axmed Cawil, waxaana weli kacsan xaalada magaalada Garoowe.

Iska horimaadka dhimashada iyo dhaawaca dhaliyey ee caawa ka dhacay magaalada Garoowe ayaa ku soo beegmay xili khilaaf xoogan uu u dhexeeyo Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamanka Puntland, iyadoo xildhibaano taageersan madaxweyne Deni ay diyaariyeen mooshin xilka looga qaadayo gudoomiyaha Baarlamanka Dhoobo-darood.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here