Home wararka Dalka Deg Deg Qarax lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada gobolka Sh/hoose

Deg Deg Qarax lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada gobolka Sh/hoose

0

Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada ee maamulka gobolka Sh/hoose  Cumar Maxamed Cilmi (Carabey) ayaa lagu dilay degmada Afgooye sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Cumar Carabey uu u geeriyooday dhaawacyo culus oo ka soo gaaray qarax loo adeegsaday bam lagu tuuray hoyga uu ka degenaa degmada Afgooye.

Dhaawaca masuulkan ayaa loola cararay markii hore goobaha caafimaadka balse intii loo sii waday ayuu naf baxay sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Afgooye.

Kooxihii bamka tuuray ayaa la sheegay iney ka baxsaday goobta, waxaana sida caadada ah wax yar ka dib goobta gaaray ciidamada amaanka degmada Afgooye oo baaritaano wada.

La soco wixii soo kordha

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here