Home puntland Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Garowe iyo baarlamaanka Puntland oo la fasaxay

Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Garowe iyo baarlamaanka Puntland oo la fasaxay

0

Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland  ayaa maanta oo Arbaco ah fasax saddex maalmood ah u diray xildhibaannada golaha wakiilada Puntland.

Golaha ayaa saaka magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo soo uruurin doona nuxurka warbixinno kala duwan oo maalmihii la soo dhaafay laga dhegaystay guddi-hoosaadyada Baarlamanka.

Xubnaha cusub ee la magaaacabay, ayaa Isniinta todobaadka soo socda la dhegaysan doonaa xog-uruurinta ay ka sameeyeen warbixinihii guddi-hoosaadyada golaha wakiilada.

Tilaabada uu qaaday Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa kusoo beegmeysaa xilli Mooshin ay ka waddaan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ka dhex taagan Khilaaf sababay in xildhibaano labadda dhinac kala taageersan ay bilaabeen Mooshin ka dhan ah labadda Mas’uul.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here