Home wararka Dalka Dowlad aan looga baran oo shaacisay iney gargaar u soo direyso Soomaaliya.

Dowlad aan looga baran oo shaacisay iney gargaar u soo direyso Soomaaliya.

0

Dowlada Azerbaijan ayaa shaacisay inay diyaar u tahay inay caawiso Somalia oo wajahaysa xasarad insaan-nimo ka dib markii ay fatahaado ku dhufteen qaar ka mid ah gobolada dalka.

Wasiirka arrimaha Dibada ee dalka Azerbaijan Elmar Mammadyarov oo ka hadlay shirka heer wasiir ee Dalalka Islaamka ee Qadar ku qabsoomay.

Wasiirka ayaa sheegay inay daruuri tahay in xal waara loo helo qaxootiga dibedda iyo barakacayaasha gudaha Somalia.

Waxaannu si wayn uga walaacsan nahay inay sii socoto dhibaatada aadminnimo ee Somalia,” ayuu yiri Mammadyarov oo eedda wax ka saaray isbeddelka cimilada oo aysan Somalia wax qorshe ka lahayn.

Azerbaijan ayaa sidoo kale sheegtay in jaamacadda ADA University ay deeqo waxbarasho siinayso ardayda Soomaaliyeed, iyadoo ka jawaabaysey baaq uu Turkigu u jeediyay dalalka Muslimka ah, isla markaana ka mid ah isbahaysi yare uu Turkigu sameeyay oo bilow ah.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here