Home galmudug Maxaa ku soo kordhay Xaalada Magaalada Dhuusomareeb oo Ciidanka Dowlada la wareegeen

Maxaa ku soo kordhay Xaalada Magaalada Dhuusomareeb oo Ciidanka Dowlada la wareegeen

0

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa laga dareemayaa isbadal ka duwan kuwii ka jiray maalmihii lasoo dhaafay, xaalada magaalada ayaana saakay ah mid dagan.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaana saakay lagu arkayaa wadooyinka iyo xaafadaha magaalada Dhuusomareeb, waxa ayna ciidamada adkeenayaan amaanka guud ee magaaladaasi oo la filayo in doorashooyin ka dhacaan.

Cabsidii labadii maalin ee lasoo dhaafay ka jirtay magaalada Dhuusomarereb ayaa hada meesha ka baxday, waxaana magaalada u muuqataa mid si buuxda gacan ku heynteeda ula wareegtay dowlada federaalka Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada Ahlu Sunna oo horey ugu sugnaa magaalada Dhuusomareeb ayaa hada isugu tagay xero INJI, waxaana ciidankaasi looga digay in dhaq dhaqaaq sameeyaan ama magaalada lagu dhax arko.

Waxaa sidoo kale magaalada ka socda kulamo gaar gara ah ay leeyihiin masuuliyiinta dowlada ee halkaasi ku sugan iyo kooxda Ahlu Sunna, waxaa sidoo kale wadahadalada qeyb ka ah waxgaradka magaalada iyo ganacsatada.

Shacabka magaalada Dhuusomareeb ayaana aad ula dhacdan isbadalka magaalada ka jira, waxa ayna dadka badi taageersan yihiin in magaalada si buuxda ula wareegto dowlada federaalka Soomaaliya.

Maamulkii Ahlu Sunna ee ka jiray magaalada Dhuusomareeb ayaa sidoo kale la soo sheegayaa in labo garab u kala jabeen, waxaana maamulka sare qaarkood la shaqeenayaan dowlada federaalka.

Goobaha shaaxa lagu cabo iyo goobaha kale ay dadku isugu yimaadaan ayaa lagu hadal hayaa isbadalka ka jira magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel, waxa ayna dadku soo dhaweenayaan isabadalkan ay u arkaan mid shacabka u roon.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here