Home Wararka Maanta Madaxweynaha Kenya oo shaaciyey tallaabo uu qaadayo oo la xiriirta Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya oo shaaciyey tallaabo uu qaadayo oo la xiriirta Soomaaliya

0

Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, William Ruto ayaa shaaciyey tallaabo uu qaadayo oo la xiriirta qaadka Miraa ee ay u soo dhoofiyaan Somalia.

Ruto oo ka hadlayey goob ay dadweynaha isugu soo baxeen ayaa sheegay in dhiggiisa Soomaaliya madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadli doono qaddiyada qaadka, si meesha looga saaro walaaca iyo cabashada ay weli muujinayaan ganacsatada jaadka.

Madaxweyne Willian Ruto ayaa ugu niyad qaboojiyey ganacsatada dalkiisa in uu wax badan ka beddeli doono suuqa Miraa, si ay u ballaariyaan ganacsigooda oo muddo hakad ku jiray.

“Aniga ii daaya qaddiyada qaadka Miraa, waxaan kulan la leeyahay todobaadkan madaxweynaha Soomaaliya, si aan ula socono suuqyada Miraa,” ayuu yiri Mr. Ruto.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladdiisa ay xal u keeni doonto arrinta qaadka Miraa, isla-markaana ay la macaamili doonto dhinacyada ay quseyso arrintan.

“Beeraleyda Miraa waa in aysan weligood wal-walin waxaa la macaamili doonaa dhammaan dulaaleyda iyo iskaashatooyinka,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filiyaa inuu dhowaan u ambabaxo dalka Kenya, isaga oo ka qayb-gali doono caleema saarka William Ruto oo dhacaya 13-ka bishaan September.

Labada madaxweyne oo ku yimid isbeddello siyaasadeed oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Nairobi ayaa ka wadahadli doono arrimaha horyaallo, sida xoojinta xiriirka labada dal.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan uu soo hagaagayo xiriirka labada dhinac, kaas oo aad u hooseeyey 5-tii sano ee la soo dhaafay, waxaana todobaadkan ay Kenya safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya, kaas oo la shaqeynayo dowladda federaalka.

 

 

 

Ad
Previous articleCiidamada huwanta oo Xoog kula Wareegay Deegaanka Buurwayn
Next articleGuddoomiyaha Golaha Shacabka oo Lataliye Sare u Magacaabay Wariye Caan ah (Wareegto)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here