Home Wararka Somaliya Wararkii ugu danbeeyay xaalada degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose

Wararkii ugu danbeeyay xaalada degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose

0

Wararka ka imanaya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xaaladu saakay degan tahay kaddib weerar loo adeegsaday qaraxyo oo shalay ay ku qaadeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka  ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab, kuna gaarsiiyeen khasaare xooggan, balse Al-shabaab ayaa dhankooda weerarkaasi ay ku dileen tiro badan oo ka mid ahaa ciidamada dowladda ee ku sugnaa saldhiga.

 

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in labada dhinac uu soo gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dhimasho iyo dhaawac kala gaaray.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka  wada deegaanada, waxaana howlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha Awdheegle ku qabteen dad lagu tuhunsan yahay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin.

W/Q Maslah Ahmed Sahal

Ad
Previous articleMucaaradka Puntland oo Soo SaaraybWar saxaafadeed Adag
Next articleMasar oo Sii ogayd in Weerar Culus lagu Qaadi Rabay israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here