Home Wararka Somaliya Puntland Madaxweynaha Puntland oo kulamo wadatashi ah bilaabay ka hor safarkiisa Dhuusamareeb

Madaxweynaha Puntland oo kulamo wadatashi ah bilaabay ka hor safarkiisa Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan xog wareysi iyo wadatashi isugu jira oo ku saabsan  xaaladda Dalka marayo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Masuuliyiinta, Siyaasiyiinta, Aqoonyahannada , Waxgaradka iyo Ururada Bulshada ee Puntland.

Kulanka oo uu dalbaday Madaxweyne Deni ayaa waxaa looga hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka dalka oo aan weli hehsiis laga gaarain.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga tashanayeen shirka uu Madaxweynaha Puntland uga qeyb-galayo magaalada Dhuusamareeb, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu u safro magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo ay kulan isugu imaanayaan Madaxda Dowladda & dowlad Goboleedyada, iyad aoo looga arrinsanaya xalka gaarista khilaafka doorashooyinka.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo War cusub kasoo saartay weerarkii Hotelka Afriik
Next articleGalmudug oo ka warbixisay Shirka dhawaan ka furmaya Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here