Home Wararka Maanta Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Muqdisho Kula Kulmay Mas’uuliyiin Ka Socotay Dowladda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Muqdisho Kula Kulmay Mas’uuliyiin Ka Socotay Dowladda UK(Sawiro)

0

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa la kulmay la-taliyaasha xasillinta ee ka socday safaaradda UK ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa looga wada hadlay arrimaha xasillinta iyo hindisaha soo kabashada xilli hore (ERI) ee looga golleeyahay in lagu taageero dadaallada xoreynta iyo xasilinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda ayaa bogaadiyay Kaalinta ay dawladda UK ka qaadatay arrimaha xasillinta iyo dib u heshiisiinta, isaga oo ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan Hay’addaha fuliya mashaariicda ay dalka ka wado dawlada UK.

Ad
Previous articleMarkab shidaal sida oo quusi raba xeebaha Yemen (Sawirro)
Next articleDowladda Oo Sheegtay Wadada Kaliya Ee U Banaan Shabaabka Lagu Hareereeyay Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here