Home Wararka Somaliya Sirdoonka ugu sarreeya Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq...

Sirdoonka ugu sarreeya Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq ay yihiin halista argigixiso ee ka weyn tan Afghanistan

0

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in hanjabaadaha argigixiso ee ka imaanaya wadamada Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq gaar ahaan ISIS- ay ka khatar badan yihiin kuwa laga yaabo inay ka soo baxaan dalka Afgaanistaan.

Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Maraykanka Avril Haine, ayaa hadalkaan ka sheegtay, iyadoo  ka hadlaysay shir sannadeedka saraakiisha sirdoonka iyo Amniga Qaranka.

“Halista hadda ka imaanaysa kooxaha argagaxisada, Afghanista kuma jirto liiska ugu sarreeya,” ayay tiri Haines, oo intaas ku dartay in Sooomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq loo arko in ay yihiin halista ugu weyn oo kusoo wajahan Maraykanka.

20 sano ka dib weeraradii argagixiso ee Sebtember 11, 2001, Haines waxay sheegtay in ay hanjabaadda ka imaaneya kooxaha argagixisada caalamiga ah ay si weyn hoos ugu dhaceen.

Agaasimaha sirdoonka Maraykanka waxay sheegtay in dadaal aad u weyn oo ka socda Mareykanka uu keenay  in aad loo yareeyo awoodda ay kooxaha Alqaacida iyo ISIS weeraro uga geystaan gudaha Mareykanka.

Ad
Previous articleDoorashada Aqalka sare ee Hirshabelle oo Goor dhaw ka bilaabanaysa Jowhar
Next articleHogaamiyaasha Muslimiinta Kenya oo ka hadlay Xariga Prof C/wahaab sh Cabdi Samad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here