Home galmudug Wasiir Sabriye oo Dhuusomareeb kula kulmay Gudiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Galmudug (Sawiro)

Wasiir Sabriye oo Dhuusomareeb kula kulmay Gudiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Galmudug (Sawiro)

0

Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliay Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan magaaladda dhuusamareeb ee Caasimmadda Galmudug ayaa kulan kula qaatay Guddiga KMG ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ay uga hadleen Arrimo badan oo ku saabsan doorashooyinka dalka iyo sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay guddiga ugala Sahqeyn laheyd diyaarinta Sharciga doorashooyinka.

Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliay Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Xubnaha guddiga uga mahad celiyey la-tashiyada ay ka wadaan deegaannada Dowlad goboleedyada si ay u dhageystaan talooyinka la xiriira Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Xubnaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacbaka ayaa la filayaa in sidoo kale inta ay ku sugan yihiin Dhuusamareeb inay la kulmaan Madaxda Sare ee Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here