Home wararka Dalka Yuusuf Garaad oo ka hadlay arimo badan oo Bada ku saabsan oo...

Yuusuf Garaad oo ka hadlay arimo badan oo Bada ku saabsan oo Mugdi ku jiray

0

Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Arrimo mugdi ku jiro oo ku saabsan dacwada Badda, isaga oo dhaliilay qaabka dowladda Soomaaliya u maamuleyso Kiisma Dacwadda Badda.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya warar faah faahsan oo sugan siin jirtay Bulshada bale xilligaan taasi jirin,isla markaana markii Bulshada ay meelaha ka maqlaan kaliya ay dowladdu xaqiijiso.

Waxaa uu hadalkiisa inatasi ku daray in markii hore G uddi Farsamo iyo Qarreeno ay matali jireen Soomalaiya,hayeeshee markii ugu horeysay uu siyaasi qeyb ka noqdo ay tahay.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Yuusuf Garaad Cumar.

Dacwada badda markii la diyaarinyay qarsoodi ayay ahayd, intii ka dambeysay Dowladda ayaa bulshada war rasmi ah oo haddana sugan ka siin jirtay ergada tegeysa ICJ, goorta iyo waliba sababta loo tegayo.

Inta Maxkamadda la joogo ayaa mar kale shacabka war sugan laga siin jiray sida ay wax u socdaan.

Hadda ugu yaraan laba jeer ayaa fal dhacay dabadii uu suuqu u warramay shacabka, ka dibna ay Dowladdu u xaqiijisay.

Waana Markii ugu Horreysay ee siyaasi uu ka mid noqdo ergada Soomaaliya.

Ma xuma in wax cusub la isku dayo, laakiin haddii sidii hore ay wanaag badiso, ma ahan in lagu adkeysto sida cusub.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here