Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Askarigii Soo Gudbiyay Qarixii lagu Hoobtay ee ka Dhacay Baladwayne oo Xabsiga...

Askarigii Soo Gudbiyay Qarixii lagu Hoobtay ee ka Dhacay Baladwayne oo Xabsiga la Dhigay

0

weli isa soo tarata macluumaadka laga helaya qaraxii is-miidaaminta ee 23-kii bishaan ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaas oo dhaliyay tuhun xoogan, maadaama uu dhaliyay khasaare xoogleh.

Taliyaha ciidanka Booliiska ee degmada Beledweyne Axmed Cali Aadan oo u warramay VOA ayaa shaaca ka qaaday inay qaadeen tallaabooyin dheeraad ah kadib qaraxaasi, wuxuuna sheegay inay qaban tuhun ku aadan in Al-Shabaab lala fududeeyaan weerarkaasi.

Axmed Cali Aadan ayaa xaqiijiyay in haatan lasoo xiray askarigii ku qornaa koontaroolkii uu kasoo gudbay gaarigii ku qarxay Sabtigii gudaha magaalada Beledweyne ee sababay dhimashada, dhaawaca iyo burbur xoogleh oo soo gaaray magaaladaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ku raadjoogayaan shaqsiyaad kale oo loo jaray waaran soo qabasho, si loogula xisaabtamo dayacii amni ee sababay in gaariga uu gaaro halkaasi.

Weerarka oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa sababay dhimashada illaa 20 qof, dhaawac intaas ka badan, kuwaas oo ah rayid aan waxba galabsan.

Qaar kamid ah dhaawacyada oo gaaraya illaa 16 qof ayaa la keenay magaalada Muqdisho, kadib diyaarad ay u dirtay dowladda Soomaaliya, si loogu dabiibo caasimada dalka.

Beledweyne ayaa waxaa horay weeraro xoogan oo qaraxyo ah uga fulisay Al-Shabaab, maadaama magaaladan ay xudun u tahay kacdoonka ka dhanka ah kooxdaasi.

Si kastaba Beledweyne ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ka socdaan abuulka howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxayna sidoo kale noqotay magaalada labaad ee ugu badan qaraxyada marka laga tego magaalada Muqdisho oo ay inta badan Al-Shabaab ka fuliyaan weeraro culus.

Ad
Previous articleDuqeyn xoogan oo lagu garaacay goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab ku Taala Galmudug
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here