Home Wararka Maanta Hanti dhowraha Guud ee Qaranka oo Amar dul-dhigay Wasiirada xilka ka degaya

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka oo Amar dul-dhigay Wasiirada xilka ka degaya

0

Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in hey’adaha dowladdu ay galaan heshiisyo waa wayn, inta laga ansixinayo xukuumad rasmi ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Hantidhowrka ayaa lagu cadeeyey in hey’adaha dowladda qaar laga hor istaagay tallaabooyin ay ku saxiixi rabeen qandaraasyo ku kacaya malaayiin dollar.

Saxiixa qandaraasyadaas uu hor istaagay waxaa qoraalka Hantidhowrka lagu sheegay in khatar ku ahaayeen dalka, isla markaana iyadoo taas laga duulayo gabi ahaanba la mamnuucay in la saxiixo heshiisyo cusub.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka wuxuu ka warhelay in qaar ka mid ah hey’adaha dowladda ay bilaabeen qorsheyaal lagu meel marinayo dhaqan gelinta heshiisyo waaweyn oo ku kacaya malaayiin dollar, kuwaas oo dalka ku yeelanaya saameyn dhaqaale oo xoog leh,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hantidhowrka ayaa hey’adaha dowladda ka joojiyey inay heshiis galaan, ilaa inta laga ansixinayo xukuumad cusub, sidaan oo kale ayuu dhowr mar heshiisyo u burburiyey Hantidhowrku intii ay jirtay xukuumadaan xil-gaarsiinta ah.

Ad
Previous articleShabaab oo Caawa Weerar ku qaaday Laanta Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid
Next articleAxmed Madoobe oo Magacaabay Laba Degmo Cusub oo Lagu Soo kordhiyay Jubaland Waa KUwee?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here