Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoorqoor oo ka qeyb galay xaflada caleemo saarka Gudoomiye Muxyadiin Aadan...

Madaxweyne Qoorqoor oo ka qeyb galay xaflada caleemo saarka Gudoomiye Muxyadiin Aadan Wali (Sawirro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu caleema saarayo Gudoonka cusub ee dhawaan loo doortay Cabudwaaq.

Munaasabadda caleema saarka gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Degmada Cabudwaaq  oo dhawaan ay doorteen Golaha deegaanka ayaa sidoo kale marti galisay Wasiiro, xildhibaan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay gudoonka cusub ee Degmada Cabudwaaq, asagoona ugu duceeyay in Eebbe la garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay. Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dil Goordhow loo Gaystay Sheekh Mukhaar oo lagu Dilay Muqdisho
Next articleP.M Xamze Cabdi Barre oo Amar Ku Baxshay in Wax laga Qabto Amniga Muqdisho oo Dilal Tirabeel ah ay Kasocdaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here