Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Laayay 10 ka Mid ah Alshabaab iyo odawaa oo...

Ciidamada Dowlada oo Laayay 10 ka Mid ah Alshabaab iyo odawaa oo Faahfaahiyay

0

Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad aha ka bixiyey howlgal ay ciidamada dowladda ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegay in howlgalkaasi laga sameeyey agagaarka degmada Matabaan, gaar ahaan deegaano ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Odawaa ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan 10 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiyey xarun ay lacago ku qaadi jireen.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii looga hortegi lahaa weerarada abaabulan ee ay kooxda Al-Shabaab ka geysato halkaasi.

Waxa kale oo uu farriin u diray dhammaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo ku boggaadiyey howlgallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gudaha dalka.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada howlgalka qaaday ay dib ugu laabteen xeryahooda, kadib dhaq-dhaqaaqa ay sameeyeen.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ay weeraro ku qaadaa saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobolkaasi

 

 

Ad
Previous articleGudoomiye Cumar finish oo furay imtixaanka Fasalka 8aad
Next articleWarsame Ismaciil oo Goordhow Muqdisho lagu Dilay iyo Faahfaahin kasoo baxaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here