Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo Degmo Dhawaan lagu Dhawaaqay Ka Daahfurtay Dhismaha Golaha Deegaanka(Sawiro)

Galmudug oo Degmo Dhawaan lagu Dhawaaqay Ka Daahfurtay Dhismaha Golaha Deegaanka(Sawiro)

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-Uheshiinta Dowladda Galmudug Ayaa Magaalada Guriceel ka daahfurtay Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Guriceel .

Waxaa ka qeyb galay Munaasabadan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Cabdi Maxmed jamac (Cabdiwayel) Agaasimaha Guud Wasaaradda Arimaha gudaha, Wasiiro, Xildhibaano katirsan Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Maamulka Degmada Guriceel Iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Reer Guriceel.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Omar Abdi Mohamed oo Hadal ka jeediyay Munaasabada ayaa codsadey in lala fududeeyo dhismaha Golaha degaanka Guriceel isagoo xusey in bulshadu ay fursad u heli doonto inay soo doortaan Golaha degaanka.

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdiwayel) ayaa kawaramay faa’iidada shacabka Reer Guriceel ugu jirta iney sameystaan gole degaan oo la xisaabtama maamulka Degmada.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Taageeray in Cunaqabatayna Hubka Soomaaliya lagu Sii haayo Sababtana Shaaciyay
Next articleMaamulka Jubaland Wayrax Khaliif Yuusuf iyo Yuusuf Xuseen Cabdi oo Haray Dilal ugaystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here