Home Wararka Maanta Alshabaab oo Ka Hadashay in Lataliyihii Axmed Godane ee Gacanta U Galay...

Alshabaab oo Ka Hadashay in Lataliyihii Axmed Godane ee Gacanta U Galay NISA

0

Al-Shabaab ayaa iska fogeysay La-taliyihii horjoogaha guud ee kooxda Axmed Godane oo dhawaan ay soo bandhigtay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, kadib markii usoo gacan galay.

NISA ayaa waxay sheegtay in ninkan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Macalin Axmed uu xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa kooxda, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen qaaddiga maxkamad beenaadka gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Al-Shabaab iyo La-taliyihii horjoogihii la khaarijiyay ee Axmed Godane.

Kooxda Al-Shabaab oo markii u horeysay ka hadashay ninkaan iyo warka kasoo baxay NISA, ayaa iska fogeysay, ayada oo sheegtay in ninkaan uusan ahayn sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, balse uu ahaa nin shacab ah oo macalin ka ahaa mid kamid ah macaahidda Qur’aanka ee degmada Jilib.

Kooxda ayaa sheegtay in Cabdiraxmaan uu macalin ka ahaa machad lagu magacaabo Xuffaadul-Waxyeyn, kaasi oo Qur’aanka iyo Axaadiista lagu xifdisiiyo carruur ay da’doodu ka yartahay 15 sanadood, sida ay sheegtay.

Al-Shabaab ayaa ku eedeysay NISA in ay soo qabtaan dadka shacabka ah oo isugu jira rag iyo dumar kadibna ku shaabadeeyaan inay yihiin saraakiil sare oo ka tirsan kooxda, “oo qaarkood ugu dambayn dil toogasho ah lagu fuliyo,” sida lagu yiri qoraal kasoo baxay kooxda oo ay iskaga fogeysay La-taliyihii Godane ee usoo gacan galay hay’adda NISA.

Ma ahan markii u horreysay ee kooxda iska fogeyso shaqsiyaad ay soo bandhigto dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay dhakhtarkii dilaaga ahaa ee Dr. Fanax, kaasi oo isticmaali jiray xeelado aad u sareeya, oo uu ku geystay dilal badan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa iska fogeysay ninkaan, iyada oo sheegtay in uusan ka tirsaneyn askarta muuqata iyo kuwa qarsoon ee howl-galada u fuliya kooxda, sida ay markaas baahisay warbaahintooda.

Ninkaan ayaa ahaa dhakhtar been abuur ah oo ka howl-gali jiray isbitaallada Muqdisho, sidoo kale wuxuu ahaa sarkaal ciidanka xoogga dalka ka heysta darajooyin been abuur ah, waxaana ugu dambeyntiina lagu toogtay goob fagaare ah, kadib markii ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay dil toogasho ah.
Ad
Previous articleKoonfur Afrika oo xasaanad siisay Putin iyo dhamaan masuuliyinta ka soo qeybgaleysa shirka Brics
Next articleWeerarro culus oo lagu qaaday Ruushka iyadoo Ukraine ay iska fogeysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here