Home wararka Dalka Muqdisho oo lagu dhaawacay wiil uu dhalay Ganacsade Caan ah

Muqdisho oo lagu dhaawacay wiil uu dhalay Ganacsade Caan ah

0

Ciidanka Booliska dowlada Somalia ayaa caawa isgoyska Dabka ee wadada Maka Al-Mukarama ku dhaawacay wiil uu dhalay ganacsadaha Soomaaliyeed ee caanka ah Ismaaciil Cabdulaahi Siyaad (Gooni) ahna milkiilaha hotelka Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Wiilkan oo magaciisa la yiraahdo Axmed ismaaciil Gooni ayaa markii ay dhaawaceen ciidamada Booliska waxaa loola cararay Isbitaalka Digfeer oo haatan lagu dabiibayo sida ay sheegayaan wararka na soo gaaraya.

Faahfaahin lagama hayo illaa hadda qaabka uu falkani u dhacay, iyadoo ciidamada Booliska aysan weli ka hadlin, waxaana la sheegay in wiilka la dhaawacay uu in muddo ah joogay magaalada, kana yimid qurbaha.

Dhowaan ayaa Madaxweynaha dalka Indonesia  Joko Widodo ayaa Qunsul sharafeed dowladiisa u fadhinaya Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho u magacaabay Ganacsade Ismaaciil Cabdulaahi Siyaad (Gooni) oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ahna wiilka la dhaawacay aabihiis

La soco wixii faahaahin ah ee ka soo kordha   

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here