Home Wararka Somaliya Jubbaland Axmed Madoobe oo furumaha dagaalka ku booqday ciidanka loo Diyaariyay in Alshabaab...

Axmed Madoobe oo furumaha dagaalka ku booqday ciidanka loo Diyaariyay in Alshabaab Weeraraan (Sawirro)

0

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay munaasabada ciida awgeed Ciidamada daraawiishta Jubaland ee ku sugan jiida hore.

Madaxweynaha ayaa booqashadan uga gol lahaa si farxada ciida uu ula qaybsado Ciidamada ku sugan jiida hore ee aan farxada ciida la qaadanaynin xaasaskooda iyo Caruurtooda waajibaadka qaran ee saaran darteed.

“Maanta oo kale waa inaan xusuusana kuwa naftooda u huraya dalkeena iyo dadkeena oo nabad hela dhaxanta iyo qoraxdana u taagan sidii kumanaan dadkeena ah ay nabad ugu seexan lahayeen” ayuu sidoo kale intaas ku daray.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland ay si wadajir ah uga shaqaynayaan howlgalo midaysan oo Al-shabaab lagaga saarayo deegaanada ay wali ku harsan yihiin si culayska looga dulqaado dadka shacabka ah

 

Ad
Previous articleQaabka uu u dhacay weerarka lagu dilay Shinzo Abe
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo gaaray Baxdo (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here