Home wararka Dalka Shirar ka socda Muqdisho oo looga hadlayo Hakinta Safarka Shiikh Shariif ee...

Shirar ka socda Muqdisho oo looga hadlayo Hakinta Safarka Shiikh Shariif ee Kismaayo

0

Waxaa magaakada muqdisho ka socda shirar kala duwan oo looga hadlayo xayiraadii maanta la saaray diyaarad la filayay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed u qaado magaalada Kismaayo.

Sida aan wararka ku heleyno waxaa Muqdisho ka socda kulan ay leeyihiin qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka xilalka uga soo qabatay iyo siyaasiyiin caan ah kuwaa oo ka arinsanaya xanibaada maanta lagu sameeyay Sheekh Shariif.

Madaxda qaarkood ayaa gaaray guriga sheekh Shariif ka degan yahay magaalada Muqdisho halkaas ay ka socdaan kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo xayiraada dowlada kusoo rogtay Safarka Sheekh Shariif ee Kismaayo.

Shirkan ka socda magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in la filayo in gabo gabadiisa laga soo saaro war murtiyeed looga hadlayo xanibaada dowlada saartay Kismaayo iyo sidoo kale sidii maanta loola dhaqmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyana kulan ka leeyihiin dhacdadii looga hor istaagay Sheekh Shariif in uu ku gaaro magaalada Kismaayo oo lagu waday in uu uga qeyb galo caleemo saarka Axmed Madoobe.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kulamadan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here