Home Wararka Somaliya Puntland oo Amaro ku soo Rogtay Shirkadaha isgaarsiinta (Akhriso)

Puntland oo Amaro ku soo Rogtay Shirkadaha isgaarsiinta (Akhriso)

0

Maamulka Puntland ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta deegaanadooda ku amray in la hakiyo doollarka danabaysan ee teleefannada, isla markaasna lagu beddelo Shilinka Soomaaliga oo danabaysan.

Qoraal kasoo baxay Guddiga xalinta dhibaatada Suuqa Lacagta Puntland ayaa sheegay in weli aan si buuxda loo adeegsan lacagta Shillin Soomaaliga, uuna jiro qiimo koror alaabaha iyo adeegyada dadka danta yar ay ku iiban jireen lacagta Shillinka.

Sidoo kale Guddiga xalinta dhibaatada ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta Magaalooyinka Puntland faray inay go’aanka lasoo saaray ku dhaqan-geliyaan muddo shan maalmood gudahood oo ka bilaabaneysa 3-da bishaan April 2021.

Amarkaan oo ka soo baxay Guddiga Xallinta Dhibaatada Sicir-bararka Puntland waxaa looga waxaa uu ujeedkiisu yahay in wax laga qabto sicir-bararka, sida ay Guddiga sheegeen.

Ad
Previous articleMadaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb oo aad Loo Qurxiyay
Next articleShirkii Madaxda DF iyo Dowlad Gobaleedyada oo Galay Maalintii labaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here