Home Wararka Maanta Xaaska Madaxweynaha Ukraine ayaa Shaacisay wixii ninkeeda kala qabsaday Subixii uu dagaalka...

Xaaska Madaxweynaha Ukraine ayaa Shaacisay wixii ninkeeda kala qabsaday Subixii uu dagaalka bilowday.

0

Marwada koowaad ee dalka Ukraine, Olena Zelenska, ayaa bixisay waraysi aan looga baranin oo ay warbaahinta dalkeeda kula hadashay xilli uu garabkeeda ka muuqday seygeeda, Madaxweybe Volodymyr Zelensky, oo agtiisa lagu arkay markii labaad tan iyo bishii February, xilligii uu dagaalka bilowday.

Zelenska waxaa lagu qarinayay meelo sir ah si amaankeeda loo sugo.

“Qoyskeennu waxa uu noqday mid kala dhantaalmay, si la mid ah qoysaska kale ee reer Ukraine,” ayay ku tiri wareysiga.

Wariyaha ayaa waydiiyay su’aal ahayd: “Dagaalka miyaa kaa kaxaystay ninkaaga?.”

“Maya, ma jirto cid iga kaxaysa ninkeyga, dagaalka xitaa taas ma samayn karo,” ayay ku jawaabtay Zelenska.

“Laakiin haa, noloshiisa waxaa la wareegtay shaqadiisa, annaga oo qoyskiisa ahna in badan ma aragno. Isma aannaan arkin muddo labo bilood iyo bar ah. Telefoonka unbaan ku wada hadlaynay. Hadda fursad ayaan isu helnay. Waan ku faraxsanahay fursaddan waraysiga ah, oo noo sahashay inaan wadajir noqonno.”

“Isu imaatin jacayl ku salaysan ayaad heshee miyaa?,” ayuu yiri wariyaha waraysiga ka qaadayay.

“Haa, kulan telefishin ah. Waan ka mahad naqayaa,” ayay ku jawaabtay marwada koowaad, oo labo carruur ah u dhashay Zelensky: kuwaasoo kala ah gabar lagu magacaabo Oleksandra iyo wiil la yiraahdo Kyrylo.

Hurdada ayaan qaylo uga soo toosay’

Maalintii ugu horraysay ee uu bilowday dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, oo ku beegnayd 24-kii bishii February, Zelenska waxay kusoo kacday dhawaaq aysan u baranin oo ka imaanayay bannaanka, si la mid ah dadka kale ee ku nool dalkeeda.

“Mar qura ayaan hurdada uga soo booday sawaxan iyo qaylo,” ayay tiri.

“Xoogaa mugdi ayay ahayd. Waxaan arkay in Volodymyr uusan sariirta ila jiifin dhinacayga. Markaas isagu horay ayuuba u labistay, garabaatina ma uusan xiranin. Waxaan waydiiyay waxa dhacayay, wuxuuna igu yiri: ‘wuu bilowday’.

“Ma qiyaasi karo dareenkeyga… naxdinta iyo argagaxa igu dhacay. Intaas ayuu igu yiri wuuna baxay, kaddibna muddo dheer isma aannaan arkin.”

Ad
Previous articleP.M Rooble oo Ka Horyimid Talaabo uu Qaaday Wasiirka Arimaha Dibada DDF
Next articleDeg Deg: Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo si rasmi ah xilka ula wareegay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here