Home Wararka Maanta Rag hubeysan oo lagu qabtay howlgal maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Rag hubeysan oo lagu qabtay howlgal maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo saaka ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, kaas oo lagu soo qabtay rag burcad ah oo dhac u geysanayey dadka shacabka ah.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Booliska iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Heliwaa ayaa waxaa lagu soo qabtay 4 nin oo hubeysan, kuwaas oo gacanta lagu soo dhigay, xilli ay dhac geysanayeen, waxaana lagu qabtay moobeelo iyo agabyo kale.

Afarta nin ee lasoo qabtay ayaa haatan loo gudbiyey xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da oo lagu xiray, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Saraakiisha ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in raggan lagu raadjoogay maalmihii u dambeeyey, kadib cabasho kasoo yeertay dadka deegaanka ee deggan Suuqa Xoolaha.

‘Cabasho ayaa dhowr jeer nooga timid shacabka degmada, burcad horay waan u qabanay,haddana waan wadnaa howlgalka ka dhanka ah illaa aan ka suulino xaafadaha degmada,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan laamaha amniga oo ka warbixiyey howlgalkaasi.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay garab istaagaan ciidamada ammaanka, si looga hortego kooxaha dhibaatada ku haya dadka reer Muqdisho.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa caasimada ka socday howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan Booliska iyo Nabad Sugida, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho.

Si kastaba, arrintan ayaa timid, kadib markii ay kordheen dhibaatada ay shacabka ku hayaan burcadda iyo kooxaha ciyaal weerada ee ka jira degnooyinka gobolka Banaadir.

 

 

 

 

Ad
Previous articleCaqabad wawayn oo soo wajahday ganacsatada qaadka ee Dalka Kenya
Next articleMareykanka oo shaqadii ka eryey Mr, Steven Walker iyo Soomaaliya oo Sabab U noqotay In la Cayriyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here