Home galmudug Madaxweyne Xaaf oo qeyb ka ah Safarka Farmaajo ee Caasimada Dhuusomareeb

Madaxweyne Xaaf oo qeyb ka ah Safarka Farmaajo ee Caasimada Dhuusomareeb

0

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)  ayaa bilo ka dib maanta ku laabanaya magaalada Dhuusamareeb ka dib khilaafkii dhexmaray isaga iyo saaxiibadiisii hore ee ahlu sunna, kaasoo keenay inuu ka soo tago halkaas.

Wararka ayaa sheegaya inuu Xaaf uu ku biiri doono wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb oo la layo inay saacadaha soo socda ka degaan magaaladaasi oo uu hore uga baxay Madaxweynaha Galmudug, isla markaana uu shaaciyey inuu burburay heshiiskii Galmudug iyo Ahlu suna.

Xaaf ayaa arrimaha Galmudug u xil saaray Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna heshiis aan la shaacin la galay madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo xilligaasi kadib fadhigiisu ahaa magaalada Muqdisho, marka laga reebo mar oo uu ka qeyb galay shirkii beelaha H/Gidir ee degmada Hobyo.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug basle waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la filayaa in saacadaha so socdo uu tago Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha xilka sii haya ee Galmudug ayaa ka qeyb galaya xiritaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb oo uu hore u sheegay inuu yahay shir NGO ah, iyadoo tegistiisa xarunta Galmudug ay ka shaqeysay dowladda Federaalka Somalia.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here