Home Wararka Somaliya Qaramada Midoobe wafdi ka socda oo soo gaaray Caasimada Dhuusomareeb

Qaramada Midoobe wafdi ka socda oo soo gaaray Caasimada Dhuusomareeb

0

Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug gaaray wafdi ka socda Qaramada Midoobe oo ay hoggaamineyso ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha-guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho.

Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug, iyaga oo intasi kadib la geeyay Xarunta Madaxtooyada.

Ujeeddada socdaalka wafdiga ayaa waxaa lagu sheegay qiimaynta xaaladda guud ee dowlad goboleedka Galmudug, arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta degaannada Galmudug.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay kulan la leeyihiin Madaxda dowlad Goboleedka Galmudug, iyaga oo kala hadlaya arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka la filayo in malmaha soo socda ay ka bilaawdaan Galmudug.

Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ee gaaray Maanta Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magaaladaas ay ka socdaan howlo la xiriira diyar garoowga doorashada, isla markaana ay kusii qul qulayaan musharixiin farabadan.

Ad
Previous articleIran Oo Iska Fogeysay Eedeyn Culus Oo Kaga Timid Isra’eel Iyo Reer Galbeedka
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Maanta Qaabilay Wafdi Caalami ah (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here