Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan shiikh oo ku Wajahan Degmada Ceelbuur

Madaxweyne Xasan shiikh oo ku Wajahan Degmada Ceelbuur

0

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu maanta qaado tallaabooyin adag waxa uuna kormeeri doonaa difaacyada hore ee dagaalka oo ay ku sugan yihiin ciidanka Soomaaliya.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee ciidanka CQS Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur iyo madax kale oo hay’adaha amaanka katirsan. Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga oo ay dul-hoganayaan eedo kala duwan ayaa la filayaa in uu tago degmada Ceelbuur oo dhawaan laga saaray AS.

Madaxweyne Xasan ayaa soo dhageysan doono cabashada ciidanka, waxa uuna lakulmi doonaa Saraakiisha Xoogga iyo hogaanada ciidamada. Ujeedada kormeerka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay laba arrin, dhiirri gelinta ciidanka iyo ka jawaab celinta guux iyo cabashooyin ka jiro Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska Xoogga Dalka.

MD Xasan Sheekh in uu tago difaacyada hore ee dagaalka ayaa ah go’aankii ugu adkaa ee uu qaato Madaxweynaha isagoo hore u sheegay in uu diiday talooyin badan oo loo jeediyay kuwaas oo ah in uu ka baaqsado furimaha dagaalka.

“Meel uu naftiisa u huray wiilal dhalinyaro ah oo 20 jirro ah sidee uga cabsadaa anigoo ah oday 70 jir ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo todobaadyo ka hor.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka Dhacay Marka
Next articleMasuuliyiinta Hindiya oo xiray iskuul lagu dharbaaxay wiil Muslim ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here