Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Dowlada oo Weerar Culus ku Qaaday Alshabaab ku Sugnaa Galmudug tirabadana...

Ciidamada Dowlada oo Weerar Culus ku Qaaday Alshabaab ku Sugnaa Galmudug tirabadana Ka laayay

0

Ciidanka xoogga Dalka ayaa saaka waabarigii hore fuliyay hawlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya goballada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe.

Hawlgalka ayaa la sheegay in ciidanku ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen dagaalamayaal katirsan Al Shabaab, waxaana weerarkaasi khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay kooxdii la weeraray.

Taliyaha guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor Bashiir Cabdullaahi ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 30- dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab, sidoo kale ciidanka qabsadeen hub iyo agabyo kale oo ciidan.

Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay in sidoo kale bur buriyeen fariisinkii ay lahaayeen kooxda Al Shabaab ee la weeraray, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in ay kudaba jiraan firxadka xubno kale oo baxsaday.

Ad
Previous articleCiidamada Mareykanka oo malaayiin farriimo ah si aan ku talagal aheyn ugu diray saaxiibbada Ruushka
Next articleHadal kasoo yeeray Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo Hadal Hayn badan Dhaliyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here