Home Wararka Somaliya Dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho oo Khasaaro ka dhashay

Dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho oo Khasaaro ka dhashay

0

Khasaaro Nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa ka dhashay dagaal Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Booliska Haramcad iyo Millateri Maanta ku dhex-maray agagaarka Isgoyska Banaadir iyo wadooyinka ku hareereeysan.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku haayay dhul ku yaalla agagaarka isgoyska Jowhara oo labada dhinac ee dagaalamay  mid kamid ah ay doonayeen inay dhistaan, balse dhinaca kale ay kasoo horjeesteen, isla markaana la isku heysto dhulkaas.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in dhaawacu uu gaarayo ilaa Shan Ruux oo kala ah, Taliyaha Ciidanka Haramcad Cabdixamiid Cabdullaahi  Fanax, Taliye kuxigeenka Saldhiga Booliska Dharkeenleey Cabdi Malaaq.

Sidoo kale waxaa jira khasaaro hantiyadeed oo ka dhashay dagaalka kadib markii rasaasta ay isweey daarsanayeen labada Ciidan ee dagaalamay ay ku dhacday goobo ganacsi, waxaana Goobjoogayaal ay sheegeen in Goobo Ganacsi ay burbureen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in halka uu dagaalka ka dhacay uu tegay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, isla markaana uu geeyay Ciidamo goobihii lagu dagaalamay.

Wararka na soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada haatan ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Gaadiidka oo markii hore istaagay ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.

Ad
Previous articleTaliyaha Ciidamada Haramcad oo dabaal ku dhaawacmay
Next articleDowlada Somaliya oo ka hadashey Dagaalka ka dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here